Waxaa jira dad badan oo jaamacado dhigta (xagga jaamacadaha) Swiidhan gudohooda ah. Qaar waxay billaabaan in ay toos waxbarasho u aadaan ka dib marka ay dugsiga sare dhameeyaan. Qaarna intii waqti ah ayey shaqeeyaan, gadaal ayeyna waxbarasho ka billaabaan si ay aqoon cusub u helaan. Waxbarashada Swiidhan cid walba wey u furantahay, iyadoon la eegeynin da’, cid ahaan ama asalka dambe ee xagga bulshada, naafanimo ama jinsi ahaan. Sidaas darteed waxaa ardayda jaamacadaha ka dhex jirta kala duwanaasho weyn. Waxaa sidoo kale jirta arday ajaanib ah oo fara badan oo doorta in ay Swiidhan yimaadaan si ay jaamacad uga dhigtaan.

Dooro jaamacad iyo waxbarasho

Waxaa waddanka oo dhan ka jira ku dhawaad 50 jaamacadood laga soo billaabo waqooyiga ilaa iyo koonfur Swiidhan. Jaamacadahaas badankoodu waa kuwa dowladeed qaar tiro yarna waa hey’ado sama fal. Dhammaan shahaaddo jaamacadeed wey siin karaan ardayda dhammeystirata waxbarashadooda, tayada waxa caadi ahaan lagu magacaabo waxbarashada sarana waxaa hubineysa hey’adda sare ee dowladda ee saraakiisha jaamacadaha (UKÄ).

Swiidhan waxaa ka jira jaamacado waxbarasho cilmi baaris leh iyo kuwo aan lahayn. Farqiga u dhexeeya jaamacadaha cilmi baarista leh iyo kuwa aan lahayn waa in jaamacadaha cilmi baarista leh (universitet) ay mar walba bixin karaan waxbarasho cilmi baaris ah. Jaamacadaha aan cilmi baarista lahayn (högskolan) oggolaasho waa loo siin karaa in ay bixiyaan waxbarasho cilmi baaris ah oo ku aaddan aagag go’an oo cilmi baaris ah.

Waxa aad u dooraneysid waxbarasho ahaan iyo jaamacad ahaan waxay ku xirantahay waxa aad u aragtid in ay ugu muhiimsanyihiin. Wax ay fiicnaan karto in laga fikiro waa waxbarasha la bixinayo waxa ay tahay, jaamacadda weyninkeeda, goobta iyo wixii kale ee aad u aragtid in ay muhiim yihiin. Jaamacadaha qaarkood waxay leeyihiin takhasusyo, waxayna ku takhasuseen nuucyo waxbarasho oo go’an, sida tusaale ahaan farshaxanka ama farsamada. Laakiin jaamacadaha badankoodu waxay leeyihiin waxbarashooyin ku aaddan maaddooyin tira badan.

Haddii ay kugu adagtahay in aad ogaatid waxbarashada ama xirfadda aad dooran doontid marka aad wax dhiganeysid waxaad ka shidaal qaadan kartaa halkan Studera.nu. Laakiinse macluumaadku waa swiidhish oo keliya. Waxaad sidoo kale macluumaad ku aaddan shaqada iyo doorashada xirfadda ka heli kartaa Xafiiska shaqada. Macluumaadka waxaa lagu heli karaa luqado fara badan.

Gal Studera.nu

U tag Xafiiska shaqada

Ma khasabbaa in aan ahaado muwaadin swiidhish ah?

Uma baahnid in aad ahaatid muwaadin swiidhish ah ama aad Swiidhan degganaatid si aad jaamacad u dhigatid.

Laakiin si aad uga badbaadid in aad bixisid lacagaha khidmada ah ee is qoridda- iyo waxbarashada waa in aad:

  • muwaadin ka ahaataa waddamada Midowga Yurub ama Ururka iskaashiga dhaqaalaha ee Yurub ama Switzerland
    ama
  • aad Swiidhan ku leedihid sharci degganaasho oo joogto ama ku meel gaar ah (kuma jiryo kan waxbarashada leysku siiyay).

Waxaa jira waxyaabo fara badan oo shuruudahaas laga soo reebay, wax dheeraad ah oo iyaga ku aaddan waxaad ka akhrisan kartaa Antagning.se.

Siyaabo kale oo wax loo baran karo

Waxaa sidoo kale iska cad in ay jiraan waxyaabo kale oo la dooran karo oo aan waxbarasho jaamacadeed ahayn si waxbarasho loo sii wato dugsi sare ka bacdi. Jaamacadda xirfaduhu waxay isku dareysaa waxbarashooyin qoraal iyo qabasho u baahin iyadoo xiriir dhaw la leh shaqa bixiyayaasha aagagga kala duduwan ah. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa www.yrkeshogskolan.se. Waxaad xitaa koorsooyin iyo barnaamijyo ka dhigan kartaa jaamacadda shacbiga ah. Swiidhan waxaa ka jira ku dhawaad 175 jaamacadood oo shacbi ah oo maaddooyin fara badan oo kala duduwan oo waxbarasho ah bixinaya. 

Jaamacadaha shacbiga ah waxay sidoo kale kuu diyaarin karaan waxbarasho jaamacadeed. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa www.folkhogskola.nu.

Page last updated 2021-11-16